|
Muqdisho, (insidesomalia.org) - Ururka dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYDEN ayaa maanta qabtay munaasabad ay ku xusayeen maalinta dhallinyarada adduunka iyo tan Somalia oo ku beegan 12 August, iyadoo ururku uu xusay maalinta saboolnimada caalamiga ah.
Xafladdan oo lagu qabtay Muqdisho ayaa waxaa kasoo qaybgalay qaybaha kala duwan ee dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo halkaas looga jeediyay qodobo mustaqbalkooda kor u qaadi kara.
Ku simaha guddoomiyaha SOYDEN Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) oo hadal ka jeediyay xafladda ayaa sheegay in saddex qodob oo keliya ay kaga bixi karaan shacabka Soomaaliyeed dhibaatooyinka haysta, gaar ahaan dhallinyarada oo ah mustaqbalka Somalia.
Qodobbada ayuu ku sheegay inay kala ahaayeen: Isbadalka Cimilada Dunida; gaar ahaan xaalufinta dhirta, Tahriibka dhallinyarada iyo sidii ay dhalinyaradu ku baran lahaayeen dhisidda nabadda iyo wadaniyadda.
"Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa laga doonayaa inay ka shaqeeyaan sidii ay kaga gudbi lahaayeen dhibaatooyinka haysta, ayna dalkooda dib ugu dhisi lahaayeen intii ay u carari lahaayeen dalal kale oo aysan lahayn" ayuu yiri Cismaan Daalo.
Xafladda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xiriiriyaha Bartamaha iyo Koonfurta Somalia ee GCAP Eng. C/raxiim Xasan Daahir, waxaana goobta lagu qabtay xaflada lagu xardhay boorar ay ku qoran yihiin qaabka lagu horumarin karo dhallinyarada Soomaaliyeed.
Cismaan Daallo ayaa ku sheegay khudbadii uu ka jeediyay xafladda in halkudhigga sannadkaan ee maalinta dhalinyarada caalamka ay tahay (YOUTH iyo CLIMATE CHANGE), isagoo ku booriyay dhallinyarada Soomaaliyeed ee xafladda goobjooga ka ahaa iyo kuwa maqan inay isku kaalmeystaan ka gudbidda dhibaatooyinka.

Dhallinyarada ka qaybgashay xafladdii maanta ayaa waxay madaxa ku xirteen calaamado ka turjumaya gaajada, colaadaha iyo xaalufinta dhirta Somalia, waxayna balanqaadeen inay ka hortagayaan arrimahaan oo dhan.
Gabagabadii xafladda ayaa waxaa lagu beeray Geed, kasoo tusaale u ahaan inaan dhirta la jarin, balse la beero, lagana ilaaliyo Somalia nabaadguurka dhirta oo isbadal ku keeni karta cimilada.
|